Search
Close this search box.

Waa xiligii Laga hadli lahaa Xad gudubka galmada

Waxa aanu carruur weydiinay sida ay ku bartaan inuu jiro xadgudubka galmadu. Dhamaan cid kasta oo aan la hadalnay waxa ay ka maqleen TV-ga, joornaalka, buugaagta, filimada iyo warbaahinta bulshada.

Haddii adigu qof wayn ahaan aad si furan ugala hadasho carruurtaada iyo da’yartaada xadgudubka galmada waxaad tuseysaa inay sax tahay in laga hadlo. Markaas ayay carruurta iyo da’yarta u dhib yaranaysaa  in la weydiiyo su’aalo oo ay sheegaan haddii iyaga loo geysto. Markasta oo ay badato waxa ay kayaqaanan (ka ogyihiin) xad gudubka galmada, waxa u dhib yaranaysa inay iyagu iska difaacan oo ay iska ilaaliyaan inaan loo gaysan.

Waa maxay xadgudubka galmadu?

Xadgudubka galmadu waxa uu noqon karaa waxyaabo kala duduwan. Sidan ayaad carruurtaada ugala hadli kartaa.

Talo ku socota carruurta oo ku saabsan waxa carruurta yaryar la bari karo

Carruurta yaryar way u baahan yihiin macluumaad ay fahmi karaan oo ay isticmaali karaan. Ma aha in laga cabsiiyo. Laakiin waxa jira waxyaalo ay dadka waaweyn bari karaan carruurta:

  • Qof kastaa isagaa jidhkiisa ka masuula!

Cidna inay cid kale qasabto ma aha. Waxaad markasta odhan kartaa maya haddii uu qof rabbo inuu hab ku siiyo, ku dhunkado ama ku taabto.

  • Waxa jira meelo gaar ah jidhka!

Buuryada, hoosta gabdhaha, badhida iyo afka ayaa ah meelaha qofka u gaarka. Hablaha waaweyn iyo dumarka ayaa naasuhu yihiin wax u gaar ah. Meelaha gaarka ah ee jidhku waxay leeyihiin xeerar khaas ah.

  • Waxa jira dad waaweyn iyo carruur la khiyaameeyo oo sameeya waxyaalo xunxun!

Intooda badan waa fiican yihiin, laakiin ma aha dhammaantood. Dhamaan carruurta iyo dadka waaweyn waa la khiyaameyn karaa oo waxyaalo xunxun ayay sameyn karaan.

  • Waxa jira siro wanaagsan iyo qaar xunxun!

Siraha aad kaaga farxinaya waa inaad haysato! Siraha kaa dhigaaya qof niyad jabsan, cabsoonaaya ama qof xanaaqsan ayaa wanaagsan inaad ka hadasho.

  • Waxaan doonayo inaad sheegto!

Haddii uu qof si xun kuula dhaqmo waa inaad markasta sheegto!

Haddii qof carruur ah ama qof wayn ah uu taabto meelahaaga kuu gaarka ah waa inaad markasta sheegto!

Haddii uu qof ku yidhaahdo ma sheegi kartid waa qalad!

Talo ku socota carruurta iyo da’yarta oo ku saabsan waxa dadka waawayn ku odhan karaan carruurta ee ku sabsan xadgudubka galmada:

  • Carruur badan ayaa loo geystaa iyadoo qaarkood aanay ku dhicin inay sheegaan
  • Qof kastaa isagaa jidhkiisa ka masuul ah!
  • Waxaad markasta odhan kartaa maya haddii uu qof rabbo inuu hab ku siiyo, ku dhunkado ama ku taabto
  • Waa adiga qofka go’aaminaaya waxa okey ah, ma aha qof kale.
  • Dadka waaweyn inay u galmoodaan ma aha qof ka yar shan iyo toban sanno jir
  • Galmada waxa la sameeyaa marka labada qofba rabaan – waa qalad iyo waliba fal danbi ah haddii qofkale la qasbo
  • Waxaad xaq u leedahay inaad galmada maya tidhaa xataa haddii aad wada socotaan ama aad hore galmo u samayseen
  • Qofna ma aha inuu qaado ama fidiyo sawiro qaa-qaawan oo adiga ah!
  • Qofna ma aha inuu qof kale ku siiyo lacag si uu sameeyo ugu galmo, waxyeelo ama wax uu kuu qabto. Waa danbi

Carruurta macluumaad kaheshay waalidkooda ayaa ku farxay taas.

Haddii ay carruurtu ka hadlaan xadgudubka galmada

Waalidka iyo dadka waawayn waxa ay inta badan rabaan in carruurtu ay usheegaan haddii ay soo gaadho  xadgudubka galmada ama wax kale oo qalafsan. Waxaanu carruurta iyo da’yarta aanu la kulanay ka soo ururinay talooyin ah waxa ay dadka waaweyn sameyn karaan haddii ay rabaan inay carruurta ka helaan kalsooni. Markaas ayay curruurta u dhib yaranaysaa in lagala hadlo haddii ay ku soo dhacday xad gudubka galmadu ama wax kale oo qalafsan.

  • Dhageyso!
  • Wakhtigeeda sii, carruurtu waa inay xiligoooda kaga hadli karaan!
  • Su’aalo weydii – laakiin ha ku badin
  • Is daji
  • Rumeyso ilmaha

Ilmaha ayaa inta badan ay u wanaagsan tahay inay qof kala hadlaan waxa ay soo mareen. Inaad dhaqeysato oo aad rumeysato ayaa ah taageero weyn. Laakiin waxa ad caawimo uga baahan kartaa dad kale si uu ilmuhu ugu bogsado oo aad dacwad na uga gudbisaan waxa dhacay si loo joojiyo xadgudubka. Waxa jirta caawimo la heli karro.

Haddii aad la kulanto xadgudub dhacaaya ama haddii uu ilme ku sugan yahay khatar degeg ah: Wac 112

Hadii aad rabto inaad fal danbi ah booliiska u soo sheegto: Wac 114 14 ama raadso qof booliis ah!

Haddii aad ka shakisan tahay in ilme wax xun soo gaadheen: La soo xidhiidh Socialtjänsten!

Haddii aad u baahan tahay caawimo si aad u soo dacweyso: Weydiiso caawimo qof la shaqeeya carruurta ama qof weyn oo aad aaminsan tahay kala hadal!

Waxa suurtogal ah in booliiska Iswiidhishka laga soo dacweeyo xadgudub galmada carruurta oo ka dhacay wadanka dibadiisa.

Waalidka iyo dadka waaweyn ayaa u baahan kara inay qof kala hadlaan ficiladaas, dareemadaa iyo fikirada kicinaaya xadgudubka galmada ee carruurta. Hoos waxa ku yaal linkiyada ay ku jiraan macluumaad dheeraad ah iyo taageero loogu talo galay adiga oo qofka wayn ah. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay English.

Haddii aad qof weyn ahaan adigu aad si furan ugala hadasho carruurtaada iyo da’yartaada xadgudubka galmada taas ayaa da’yarta siinaysaa calaamadaha ah inay sax tahay in laga hadlo.

https://www.raddabarnen.se/Documents/vad-vi-gor/Sexuella%20%C3%B6vergrepp/respectmybody.pdf

https://www.brottsoffermyndigheten.se/material-och-publikationer?refid=2422#o-2422